Hoos u dhig heerka faafinta cudurka
Wadajir ayaan gaabi karnaa faafinta cudurka!
Qof kasta waxaa xilsaaran in uu kaalin ka geysto kahortegida faafinta cudurka [Covid-19]. Halkaan hoos waxaa ku qoran tallaabooyinka u qof kasta arrintaan ka qaadi karo:
- Waa inaad gurigaaga iska joogto xitaa haddii aad inyar dareemayso calaamadaha hargabka.
- Badso in ugu yaraan 20 ilbiririqsi aad gacmaha ku dhaqdo biyo iyo saabbuun.
- Markii aad gudaha iyo dibada ba aad ku sugan tahay ku dadaal ka fogaanshada qofka agagaarkaaga ku sugan.
- Sidoo kale ku dadaal ka fogaanshada qofka agagaarkaaga ku sugan markii aad fusho bas, tareen, tareenka dhulka hoostiisa mara, tram ama gaadiidka kale ee guud.
- Ku dadaal inaadan ka qaybgelin xafladaha, dugitaanada, munaasabadaha diiniga, dabaaldegyada sannadguryada ama xafladaha aroosyada.
- Ku dadaal ka fogaanshada qofka agagaarkaaga ku sugan markii aad ku sugan tahay garoonada isboortiga, goobaha lagu dabaalado iyo gymka. Sidoo kale ku dadaal in aadan isticmaalin qolalka dharka lagu kala beddesho.
- Haddii ay suurtagal tahay ha adeegsan gaadiidka guud saacadaha dad tiro badan ay adeegsadaan gaadiidka.
- Socdaal gal haddii lagamaarmaan ay tahay oo keliya.
Warbixin ku saabsan fayruuska (Corona) iyo cudurka (Covid-19)
Qabso ballanka tallaalka looga hortago cudurka [Covid-19] – Gobolka Gävleborg
Isa soo baadh hadii aad yeelato astaamaha cudurka covid-19
Macluumaad la soo ururiyey oo ku saabsan covid-19 – 1177 Vårdguiden
Safmarka fayruuska [Corona] sidatan ayuu dhaqdhaqaaqyada maamulka degmada ugu yeelan doonaa
Dhaqdhaqaaqyada maamulka degmada, sida tusaale maktabadaha, iskuullada, guryaha daryeel-caafimaadeedka iyo xannaanadda iyo goobaha waayeellada ku kulmaan, waxaa dhici karto in xilliga safmarka loo yeelo xad u yeelid u gaar ah.
Kuwa ay kala yihiin iyo wixii faahfaahin ah waxaad kala xiriiri kartaa maamulka degmada Gävle. Faahfaahinta xiriirka hoos ayay ku qoran yihiin.
Nala soo xiriir
Ma rabtaa inaad la xidhiidho degmada Gävle qaybta adeegga af-soomaaliga ah Soo wac: 026-17 50 27 ama emayl u dir: Bashir.mohamud@gavle.se
Miiska macaamiisha maamulka degmada [Gävle kommuns kundtjänst]
Taleefan 026 – 17 80 00
Waxaad kaloo booqan kartaa xafiiska [Stadshusets reception] oo ku yaallo Drottninggatan 22, waxaa dhici karto in goobtaas ay turjubaanno luqado kala duwan ku hadlaan ay joogaan.
Khadka taleefanka qaranka ee fayraska cusuub ee corona oo leeh luqado dhaawr aah
Haddii aad qabtid su’aalo guud oo ku saabsan fayraska corona, waxaad soo wici kartaa 08-123 680 00. Khadka taleefonko wuxuu furan yahay maalmaha shaqada saacadaha kala aah. 09.00-15.00.
Sidatan ayaa kaalin ugu geysan kartaa
Isla goobtaas waxaad ka daabacan kartaa warbixinta ku qoran, warbixinta Hay`adda arrimaha caafimaadka dadwaynaha [Folkhälsomyndigheten] ama hay`adaha kale ee dalka Iswiidan, kaddib ku dheji boorarka goobta aad ka shaqayso, goobaha ururrada ama albaabka guriga aad degan tahay. Sidaas ayaya farimaha hay`adaha dadyoowga kale ugu faa`iidaysan karaan.
Wararka ee luqado kale ku qoran
Sidan ayaad u isticmaalaysaa daboolka afka iyo sanka ee hal mar la isticmaalo
Sidan ayaad u isticmaalaysaa daboolka afka iyo sanka ee hal mar la isticmaalo